Tuesday, February 17, 2009

Usuuliga iyo Qabiiligu waa isma dhaantiyo dhasheed!

Usuuliga iyo Qabiiligu waa isma dhaantiyo dhasheed!







waxaa la rabaa inaan la isku dhex yaacin waxa ay kala yihiin labada nin oo aanu midka hore oo ah Qabqablaha Qabiilka ku awr-kacsada iyo kan hadda soo baxay ee Usuuliga mayalka adag. hadaan bal woxogaa hoos ugu daadago kan danbe waa Usuuligaas mayalka adagi marnaba lagama yaabo inay waaqiciyan noolaadan ama u jiraan dagaal la'aan! maxaa yeelay balaayo la'aan hadaysan noolaan waxaa dhacaya in ay iyagii is arkaan foolxumadooda? Si ay u ilaaliyaan midnimadooda iyo wada jirkooda waxaa ay kuhaanada u fakiraahi ama siyaasiyiintoodu ay meel mar hore dhigteen inay dagaal la galaan cid walba oo isku dayda inay jadiidiso afkaartooda, ama naqdisa ama isku daya inuu mideeyo Aydiyoolajiyadaha kala duwan ee ay la kala bood-boodayaan.

Tusaale: Salafiyiinta, Siraadul-Mustaqiimta, Takfiiriga, intaas kor aan kusoo sheegnay marnaba ma arki karaan Kooxaha kale sida Islaaxiyiinta, Ikhwaanka iyo Suufiga aan Bunaysan, kan bunaysta waa laga wada siman yahay??....Marka si aysan u lumin faa'iidooyinka iyo maslaxadooda aysan miisaankakalmadooda u lumin ayay caqligaas diiday ku bilaabaan dagaal xun oo gaara ilaa Tasfiya Jasadiyah ama Takfiirin, maxaa yeelay dagaal iyo yabaq aan dhamaan oon hadana caqliga caadi uusan fahmi karin.


Arintaas Qabiiliga Siyaasiga ah ama Milatariga ah iyo Usuuliga Mayalka adag waa ka wada Siman yihiin?? Tusaale Gen: Caydiid, isla dariiqadaas ayuu isticmaali jiray si uu u ilaaliyo Mooryaanta Midnimadeeda!!??.In dagaal lagu qaado Cadawga ayaa sido kale ah Mid ay ka wada Siman Yihiin Usuuliga iyo Qabiiliga saa xal kale ma hayaane si ay isaga ilaaliyaan Burbur, inkastoo ay labadaba soo bandhigaan shicaaro Nabadgelyo Hunuhunaa wada ah ayaa Cinfiga (Violence) wuxuu si Jowhari ah ugu jiraa dhismahooda Nidaameed. Sidaa darteed ayaa dhinaca mowduuciga ah ee ka madax banaan labadaba uu ku qasbaa inay qaataan qaraar nabadgelyo, oo laakiin u muuqda mid laysku qoslayo? oo Taktiiki ah oo marnaba meesha ka saareyn inuu Dagaal Dhici doono, sababo ugu muuqda Qabiiliga iyo Usuuliga Mayalka adag intaba in dagaalku uu yahay xal?? oo waxay is leeyihiin dadku waa dadkii, dalkuna waa dalkii??!!.


Usuuligu sidiisaba waxaan is iri markuu hadlayo waxaad is leedahay waxbaa si ka ah??!! saa maba yaqaano waxa la yiraahdo Siyaasad waxay tahay, wuxu u haystaa inay tahay sidii Qabqablayaashii oo kale in hantida ummada la bililiqaysto? saa waxay ka faa'iideysanayaan dadka soomalida ah ee tirada badan ee Xorta ah ee Diidan Faragalinta Shieeye Nooc kasta ha ahaatee, macno kastaba ha yeelatee??!!


Siyaasadu waxa weeye iyado kooban "TARTAN LOOGU JIRO ILAHA DHAQAALE EE MUJTAMCA' tusaale markaad leedahay iskoolaan dhisi, isbitaalaan dhisi, wadooyin baan jeexi, hadee hantida aad waxaas ku samaynayso waa hantiidi mujtamaca ee adiga ma lihid?? marka in Usuuligu uu mabda' kasta oo siyaasada quseeya uu halkaas ka galo weeye ma aha inuu inta meel rag ku laayo, uu hadana na yiraahdo "Ilaahay baa idinka saaray" yacnee macnaheedu waxaa weeye anigaa wakiil u ah ilaahay??????????????!!!!!!!!!!!!! taas waa waxaan la aqbali karin ha isdhihinina Saxaafadu adinkay idinla jirtaa??!! saxaafadu cidna lama jirto, walaa idinka walaa Qabiiliga Siyaasiga ah saa labadiinaba meel badan ayaa isaga mid yihiin

Tusale kale:-

Qabiiligu waxaa uu mudo 18 sano ah ummad nool oo xayi ah uu ku haystay Wax aan aduunka ka jirin luqad aan caalamka laga fahmin iyo Biliqliqo, maxaa yeelay Dowlada waxa uu u arkaa Qabiiligu "Bililiqo"Usuuliga Mayalka adagi qabiiliga waa ka xoog badan yahay saa wuxuu uaqrinayaa waa Diintii muqadaska ahayd iy Siiradaii Nabiga CSW inkastoo qabiiligu u raaco usuuliga siyaabo ku salaysan kula dirir qabiilka dowlada haysta si bililiqadii ilaahay u hesho??!! ayaa hadana Usuuligu uu shaqsi ahaan yahay mid ka mid ah Qabiilkii, hadana aaminsan inu yahay Fardi ka xoreebay Casri Jaahiligii Qabiiliga??!! labadaba Maadiga (Past) ayay siyaasadeeyaan, dibna ugu soo rogaan Mujtamaca oo waxay diidaan wax walba oo xiriir la leh Xaadir (Present) iyo Mustaqbalka (Future)midda uu Usuuligaasu ku Dhaamo Qabiiliga waxa weeye shaki kuma dhex jiro Usuuliyiinta kala duwan?? ee kala qabiilka ah, laakiin Qabiiligu sadexda bah ee Hooyadii lala qabo ilamahoodii (Walaalihii) waa inuu iska jiraa????? ka shakiyaa????!!! ka feejignaadaa?

Waa Socotaa..................

Sadat Mohammed Geesh

Thursday, January 29, 2009

Masiibada Soomaalida: Jaajuus Jaasuusay Jaasuus Kale!!!

Sheekadaan waxay dhex martay madaxii Hay'adii Sirdoonka ee Ruushka iyo Ra'iislwasaarihii ugu danbeeyay ee Midowgii Soofioyeeti ee uu madaxweynaha ka ahaa Gorbajev, sheekadaan

hadaad aqrisato waxaad ogaanaysaa meesha ay ka timid mushkilada Soomaalida , sikastaba yaanan war kugu daalin ee hoo sheekada:-



Mr.Betroviski wuxuu ahaa madaxii wakaaladii Sirdoonka Midowgii Soofiyeeti ee KGB-da, isagoo ku jiifa kursi dheer oo ku qoraxaysanayay gudaha guryo waaweyn oo loogu tala galay dadka howlgabka ah ayaa waxaa soo booqday Wasiirkii Koowaad ee Dowladiisii ugu danbeysay Dr. Evanovitish. labadaas nin waxay soo arkeen waxay tahay Dowlad, Haybad, Awood, iyo Aduunyoba. Laakiin Mr.Betroviski wuxuu afka ka joojin la'yahay halyeeynimadii iyo howshii wadaniga ahayd ee uu soo qabtay intuu ahaa Madaxa KGB-da isagoo la yaaban sida uu Midowgii Soofiyeeti halmar u kala Haaday u kala jabjabay una kala qaybsamay!



Isagoo la hadlaya Saxiibkiisan soo booqday ayuu yiri " Saaxiib ma ogtahay inaanan qofna ka cafin jirin Dabagalida iyo Tirinta xitaa inta jeer ee uu neefsado maalintii! Ka ugu yar iyo kan ugu weyn ee Dowladaas kama baxsan Dabagalkeyga! Xitaa adiga Saaxiib waan ku daba galay!?" ayuu Odaygii KGB-d a ahaa ugu faanay Saaxiibkiis.



Wuxuu usii raaciyay "Waanu ku dabagali jirnay oon ku daba taagnaan jirnay, waxayna socotay Sanado badan, laakiin dabagalkaagii wax natiijo ah ma keenin" ayuu ugu niyad qabojiyay Saaxiibkiis. Si kastaba. Dr. Evanovitish ayaa ka codsaday Saaxibkiis inuu si furan ula sheekeysan doono, laakiin inuu u dhaarto si uusan u fashilin waxa uu u sheegi doono.



Taas waa uu ka aqbalay Askariga Duqoobay, wuxuuna Diktoorkii dib ugu soo noqday maalin kale iyagoo bilaabay halkaas inay si furan isugu sheegaan wax walba.



Ugu horeyntii Ra'iisal Wasaarihii ayaa qirtay in uu Camiil u ahaa CIA-da Mareykanka sanadihii lasoo dhaafay oo dhan!?. In ta markay afkiisa kasoo baxday ayuu Qaylo dheer laso Booday Mr.Betroviski Madaxii KGB-da. Isla markiiba dhinacii uu fadhiyay Saaxiibkiis ayuu usoo jeestay, isagoo wajigiisa ay ka muuqato Layaab, iyo Dhakafaar "Macquul maaha!!!"ayuu ku yiri, waxaad shegayso Camiiloow!. "Ninyahoow Waxaa tahay Saaxiib Hore, oo waa runtaa inaad iga shakisay? Ood idabagali jiray? Laakiin Maxaa Sababay? Ayaan ku weydiinayaa!? Su'aasha kale sideed iigu ogolaatay inaan qabto jagooyin intaas le'eg oo heerkaas gaarsiisan ilaa aan ka gaaro Ra'iisal Wasaare!? Hadaadan sida aad sheegayso aadan igu kalsoonaan jirin@@ " ayuu is daba dhigay odaygii Ra'iisal Wasaaraha ahaa isagoo waydiinaya Saaxiibkiis.



Mr.Betroviski Waxa uu ilka cadeeyay si is-yasid ay ku jirtomarkasu Wuxuuna yiri "waa sax Saaxiib inaan kaa shakinay oonan ku aaminin, sheekaduna waxay bilaabaty maalin adigoo daawanaya Masraxii "Polilshi" ayaa waxaa noo yimid macluumaad sheegaya in nin ajnabi ah uu ku agfadhiyay, xiligaas waxaad ku jirtay da'dii Shabaabka oo waxay ahayd waqti hore. Sidaa darteed ayaan maalintaas bilawnay inaan tirino Neefsasahdaada oo aan daba-gal ku samayno dhaqdhaqaaqaaga!, kaaga darane waxaan meel walba ood tagto ama degen tahay ku rakibnay Qalabka laysku Dhagaysto! Bal saaxiib malee xitaa Naagtaadii Marxuumada ahayd ee "Falaria" anaga ayay noo shaqeynaysay! Waxayna noo soo qori jirtay Warbixino Sir ah maalin walba, saas darteed ayaan ku kalsoonayn Ikhlaaska aad u qabtay Dowlada!!!!!???? Ogowse hadii aan heli lahayn macluumaad kaas ka duwan walee Saaxiib marnaba kuuma naxariisaneen!!??" ayuu Mr.Betroviski madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da uga jawaabay Su;aalihii uu weydiiyay Saaxiibkiis.



Laakiin wuxuu isaguna weydiiyay saaxiibkiis sida uu ula xiriiri jiray CIA-da. Hadii ayba jirto Camiilka uu u ahaa CIA-da.



Ka dib markii uu Dhaariyay mar labaad inuusan sheegin waligii arintaas, ayuu Diktoorkii Ra'iisul Wasaaraha ahaa ku bilaabay Sheekadiisii :- " uma baahneyn inaan la xiiiro, oo h al mar kaliya ayaan la xiriiray CIA-da, marka aad sheegayso ee Masraxa ayaa n qaabilay Mr. Rogers oo ahaa CID-da ninkii ay iiso dirtay, markaas wuu ogaa inaan lacagta aad u jeclahay oo wuxuu iigu dhex dhiibay Tiyaatarka Dhexdiisa Boorso Buuxda oo Rubee wada ah , waxay iga dalbadeen hal dalab oo kaliya oo waxay I yiraahdeen (Markasta oo uu banaanaado Boos ama Jago ay hayeen Madax Mutacalimiin ah, kaliya booskiisa u magacaw kan aan Aqoonta lahayn ama aan waxba ogeyn!?. Dhabtiina waan sameeyay oo waxaan magacaabay dad aan u qalmin oo wax ay yaqaanaan uusan jirin kaliya shahwaaniyiin ah oo naagaha daba orda hangoolna la daba istaaga kuwa wax yaqaana oo ay arkaan inay wax dheer yihiin!? . halkaas ayaa iyagu hadafkoodii ugu hirgalay Saaxiib iyadoon loo baahnayn Xiriir kale oo adiga sabab aad iiga taqalusto ku siiya!!!)".



Markii uu Diktoorkii u qirtay saaxiibkiis Mr.Betroviski madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da inuu dhab ahaantii ahaa Camiil CIA-ah ayuu wuxu ku qayliyay cod dheer oo xanuun badan! "say ku dhici kartaa waxaas oo dhan, iyadoo aan hayay boqolaalo cajalado iyo Warbixino isugu jira oo adiga kugu saabsan qolna buuxin kara! " " Waryaa ayuu yiri odaygii waxaanu tirakoobaynay soo socod iyo sii socodkaaga kooxdii aan kuu xilsaarnayna maysan Yareysanayn Howsha aan u dirnay oo waxay ahaayeen kuwa noogu daacad sanaa, maadaama aad si deg deg ah u kortay jaranjaradii xukunka oo ay kugu qaadatay inaad noqoto Ra'iisal Wasaar e mudo 30 Sano ah!.



"Mar walbana waxay noo soo sugayeen daacad nimadaada!!!!!!!!!!!!!!! Beenlowyahoow aan ku weydiiyo sideed u heli jirtay dhabarjabintooda?! " ayuu dib u wedyiiyay odaygii, laakiin si degen oo dilaa ah ayuu uga jawaabay oo yiri "maalintaas ayaan is aragnay wuxuuna ogaa inaan mustaqbal ku leeyahay Dowlada oo aqaan o rag muhiim ah oo dowlada ka mid ah, kaliyana wuxuu iigula dardaarmay inaan burburiyo, Eryo, shaqada ka saaro qof walba oon ku arko calaamdaha inuu jecel yahay dalkaan si ikhlaas iyo daacadnimo ay ku jirto. hadaan awoodi waayo inaan eryo inaan ciriiri ku geliyo howshiisa yacnii sahqadisa inuusan si wanagsan u gudan., Kadibna aan kor usoo qaado qof walba oo Munaafaq ah, Bililiqo iyo Naag Raadin Badan!, Ka badbadiye ah, Tuugna ah, sidoo kale inaan u gargaaro oo aan dalacsiiyo qofwalba oo Munaafaq bililiqo raadis ah oon waxba aqoon, aqoonta uu ku doodayana ay ka timid wahmi been ah oo waadaadiyay ah!!?? Sidoo kale aan Eryo Qof walba oo Amiin ah oo Qibrad iyo Cilmi u leh Shaqadiisa. Kuwa igu heegaarsana ay noqdaan kuwaas oo inay wax fahmaan aan lagu soo Karin!!??" ayuu uga nixiyay odaygii KGB-da ahaa isagoo intaa kusii daray hadal kale oo uu wadnuhu la istaagi gaaray asagoo yiri "Laakiin Marxuumadaydii Faleria anaga ayay nala sahqeysnaysay, ee adiga kulama sahqeynayn! Taa iskaba daaye waxayba noo soo shaqaaleysay Naagtaadii Marxuumadii Kaarla, sidaa darteed anaga ayaa waxaan ahayn kuwii ku tira koobi jiray oo ku daba gali jiray dhaqdhaqaaqaaga iyo Xiriikaaga ee maya adiga! Saaxiibkeeygii Casiiska ahaayoow!!!!!!".



Kaan istaahilin marka wax laga dhigo kii istaahilayna laga xaaraan tinimeeyo , oo la doorto mid aan awoodin kii awoodeyna laga tago!? Waxaa si weyn u baahda Rajoxumo iyo Caro weyn oo uu sababo kan Qabqableynaya een waxba garanayn markaasaa waxaa uu kor u qaadaa oo uu saacidaa oo abuuraa Jawigii ugu wanaagsanaa ee lagu gaari lahaa Natiijoyinkii ugu Xumaa





Saadaat Maxamed Yuususf Geesh

Thursday, January 15, 2009

Ummad Haligmeysa Waxaa lagu Gartaa:Duliga Culumada iyo Khiyaanada Hogaamiyayaasha (Qab-Qab-Layaasha)

Midaadii qaaska kuu ahayd iyadoo ay ku cunayso, ooyan kuu raxmeyn ood waliba kula jirto halgan aadan wali rajadiisii dhigin! ayaad sidaad isu leedahay waxaa jira Caqli iyo Qibrad xanuun Badan oo lasoo maray- ood isu leedahay "Anaa Rabul Ibil (Daruufahaaga Shaqsigaa Sugitaankooda) Wal Bilaad Lahu Rabi Yaxmii" Dalkiina wuxuu leeyahay Rabi Ilaaliya!. ood isu leedahay rag cusub baa soo baxay oo isb-badal doon ah? dhibkana og....ood kaaga darane aad adigu isaga dhaadhicinayso rag wax garanaya oo basarkoodu fiican yahay baa jira! ayad si fajiciso leh waxaad u maqli war iyo walbahaar is wata? hareerahaaga ayaad eegi mise waa laga sii darayaa oo wax soo hagaagaya ma jiraan???!!!!

Xadiis Buu Rasuulkeenii Suubanaa ku yiri "Laba Qaybood (Nooc) oo Ummadeyda ka mid ah haday wanaagsanaadaan Ummaduna way la wanaagsanaan, Hadey Xumaadaana way la xumaan" "Labadaas waa Labadaas waa Fukhahada(ninkii uu ilaahay diintiisa Fahamsiiyay) iyo Hogaanka (Amiirka)"! Lafdi kale (Warin kale) aya waxay leedahay "Hadii ay Culimada iyo Hogaanka Ummadu ay Saalax Noqdaan Ummadana Saalax bay Noqotaa"!

wax sharaxaad ah uma baahna, laakiin waxaan soo aragnay Hogaamiyayaashii "Axada" Axadu waa 30-12-1990, maalin shar badan ayaanu aragnay waxa la yiraahdo Hogaamiye, ilaa xiligan la taagan yahay waxaa noo socda Casharo aan dhamaad lahayn oo is barasho ka dhaxeysa Iyaga iyo Shacabkii Masaakiinta ahaa?! inkastoo intoodii badneyd Qarashkii ku Baxay uu shacabku Bixiyay Fatuurada (Boonada) Qiimahaas Isbarasho ayaa hadana aysan u qalmin inta ay baaxadiisu le'eg tahay darteed iyo Shakalka ay Hogaamiyayaashaas Arxanka darnaa/Daran ay leeyihiin?

Hadaan si hoose ugu dego maqaalkeygan Dulucdiisu waxay ahayd. waa Taariikhda Doqonimada leh ee Culimada Soomaalida ah ee Afaadilka ahi ay u seegi jireen Xalka Caqlaaniga ah ee Ummadooda Isbadalka ay la Rabaan lagu gaari karo!

Si Kastaba ha ahaatee waxaan nasoo galay Taxadigii ugu horeeyay ee lagu sameeyay Maal-Maati Qabeenada Rag-Xumayaasha ahaa oo ay ku Sameeyeen Culimadii Diinta Islaamka Qaas Ahaan Culimadii Salifiyiiinta Dacwiga iyo Jihaadigaba isugu jiray? Laakiin Imisa jeer bay Culimadaasu ay ka nixiyeen oo ay ula dhaqmeen Ummadii Bislaatay ee Taageertay ooy u keeneen "Rajo Xumo" iyo "Ka Dar oo Dibi Dhal".

Hadii Faqiihii Suufiga ahaa ee wax ka unkay Hogaamiyahaas xun? Shucuudiga iyo Curaaftankiisiina la daba is taagay isagoo le "Fiqi Tolkii Kama Jano Tago", iyo inuu dagaalka Qabaliga ah ka qayb qaato isagoo Qab'Qablayaashii u aqrinaya "Shankaroortay" iyo "Asmo" oo ka mid ah Xarbi Nafsiga ay ku Quraafaysan jireen si ay "Biliqada" qabqablaha qaybtooda uga helaan. oo uu raacay markii ay ka taqaluseen hadii caqli iyo cilmi ay keeni waayaan labadiiba waa ay soo noqon?

Xiligii loo riyaaqay Culimada Salafiyiinta ah waa Maalintii ay nagu bilaabeen inay Jus Taraawiixda nagu Tujiyaan Masaajidkii Ceel Hindi, dhab ahaantii waan soo dhaweynay oo waxaan ogaanay in Rooxaaniyada Sare ee ay leedahay?! iyo qaar badan oo shuyuush Afaadil ah oo ka mid oo iyaguna bilaabay Dacwo iyo Furitaan Dugsiyo Carabi-Islaami ah oo Saxiix ah si ay si cilmiyaysan Boorka uga Jafaan meeshana uga saaraan Kuhaantii Murtaziqiinta ahayd! waxaa la xusi karaa Sheekh aan aniguba cajaladahiisa dhagaystay oo aad iyo aad qaali u ahaa (AUN) Sheekh Boqol Soon oo isgu si kalankooli ah u duubi jiray Cajalado Wacyi Galin ah, ayaan maalintii danbe Masaajidkii Sheekh Cali Suufi sidii in la yiri oo kale Xabada Naxariista Rida ay Geeskoodii ka bilaabeen "Dhidiba u Siibidii Nidaamkii Dalka ka Jiray" hal mar ayaan ka rajo dhignay!

Mar Labaad ayay buuxiyeen Barxadii ay Banaysay Burbujrkii Dowladii Dhexe qaas ahaan Goboladii Waqooyi bari oo hada loo yaqaan Puntland, waa lasoo dhaweeyay laakiin hal mar ayaa waxaa la arkay iyagoo Xisaab-Xumo Waaqic Inkirid iyo in Caadifadii ay Caqligoodii ka itaal roonaatay!? Waa laga naxay mar labaad

Mar sadexaad ayaan gacanta ka galinay kuna taageernay Maal iyo Naf iyo wax kasta oo la heli karo loona dhiibay Gabi ahaanba Gobolka Gedo; Lix Sano markay is celinayeen oo ay is hayeen? iyogoo galayay Jahli dartiis Qaladaad Dilaa ah oon loo dulqaadan karin ayay ileyn Barnaamij Siyaasi ah oo Gudaha Dalka ah Ma lahayn ee waxay lahaayeen mid Caabir Al-Qaaraat ah oo Qaaradaha Gudbubsan! maalin bay waxay yiraahdeen Addis Ababa ayaan aadeynaa?! Mar sadexaad ayay Caadifadoodii ka xoog badisay Caqligii Yaraa ee hadana waynaa Qibradaha Soo Maray Dartiis?! waa la ogaa wixii ka dhacay kala carar maxaa yeelay Itoobiya oo Dowlad ah markay saas Yiraahdeen Dhulkay isla dhacday oo tiri ma ujeedaan Caalamkoow Addis Ababa ayay Rabaan nimankaas, hadee sida caadadu ay tahay waxaa caalamku Siiyay Itoobiya Amarka inay is difaacdo? markaana waala Calool Go'ay!? oo wax ala waxay qabteen, oo ay dhiseen waa la burburiyay!!

Mar Afraad 2006 dii waa iyagii dheel-dheeshoodii bilaabay oo hadana iyadoo ay qoyan tahay inta Shuhado ah ooy bixiyeen iyo inta Qasaare maadi iyo Macnawi ah ooy Sababeen ayay hadana Yiraahdeen Caalamkii oo dhan oo Aqoonsaday Asbaabaha ay ku Yimaadeen ayay Yiraahdeen "Addis Ababa Meelaan ahayn nama Celiso" iska inay Xitaa Nidaam u dhisaan Lix Bilood ka hor Magaaladii ay Qabsadeen ee Xamar? Waa la ogaa waxa qabsadey Ummadiii Soomaaliyeed oo dhan!!?? waxay galeen dagaal ay ka baaqsan kareen oo ay caqliga ka hor marin lahayeen Caadifada iyo Dilka iyo Burburka Ummaddii ay iyagu ka dhasheen ee ay ogaayeen sida loo silciyay oo Kufaday loo Burburiyay, dagaalkii hadda waa dhamaaday Maxaa laga filayaa nimankaas?

Waxaa laga filayaa inay Itoobiya Xaq u siiyaan inay Soomaaliya Gudaheeda ka sameysato Degaano Nabada dalkeeda ay ka ilaaliso "Peace Zones" oo la mid ah kii ay Israa'iil ka Sameysatay Koonfurta Lubnaan oo kale, haday sii wadaan Handadaadooda HadAF "LA'AANTA AH" maxaa Yeelay Xayawaan ka mid ah oo maalin dhaweyd uu wareystay Wariye Caddow ee Al-Jazeeraha Ingiriiska ah ayaa wuxuu ku hadaaqay hadal aan la yaabay cidii dhagaysanaysayna ay la fajacday! wuxuu yiri "Anagu waxaan u soconaa Alaska iyo China" waa la yaabay la'anfariiray, nafiskii ayaa nagu xirmay.

dhanka kale dhinaca kale ee Sheekh Shariif isaguna ha ogaadi inuusan isku qasin "XAQA BAADIL LAGU RAADINAYO" yacni xaq lagu doonay baadil oo lagu rati kacsanayo si loo helo faa'iidooyin Mustaqbalka-dhow u badan, teeda kalana ku guur-guurida si qaldan oo la mid ah kii qab-qablayaashii waxay luminaysaa taageeradii guud ee loo haayay waxay deg-deg ku fashilinaysaa wax alla waxa uu wado Sheekh Shariif, maxaa yeelay waa lagu rajo weyn yahay!?.

Dhanka kale Nidaamka "MAXAASASAH" EE XISADAYNAYA SHACABKA ama waxa la yiraahdo "AFAR IYO BAR" oo sidoo kale cilmiyan loogu yeero "Dimuqraadiyada Tawaafuqiga ah", oo isaguna u rahma oo u xir-xira Xalkii Shacabka Quwado Shisheeye oo uu daraf walbaahi ku xiran yahay xoogna ka raadinayo. taas waxaa leeyahay iyadana hala ogaado kuwa ku haray ee uu Hogaaminayo Nuur Cadde iyo Adan Madoobo inay rabaan Ciyaar aan dhamaad lahayn oo ay Ummadaan ay Aafaysay Masaa'ibtu kula dhex-Bood-Boodi doonaan sida mida Lubnaan oo aysan jiri doonin Guul Joogto ah iyo Guul daro Joogto ah.

ugu dabbeyntii waxaan leeyahay Culimada Salafiga ah ee ay kala hogaaminayaan Sheekh Shariif oo si karti ay ku jirto u gashtay Shaartigii Ikhwaanul-Muslimiinka iyo Al-Shabaab iyo Kooxaha kale ee Jihaadiga ah inay Ummadaan Duleeyaan aan mar danbe loogu dulqaadan doonin oo lawada ogyahay hadda wixii xun iyo wixii fiican. ayna u qoraan siyaasada inay u baahan tahay Fiqiga Sharciga ah iyo kan Waaqiciga ah labadaba. oon Diintii Muqadas nimadeedii la dilin iyada kaliya ayaa u hartay Ummadaan Soomaalida ah ee Wax kasta lagu soo Jaribay sida Jiirka!? loona daayo Siyaasada Qeexitaankeeda inay tahay Tartan loogu Jiro Ilaha Dhaqaale ee Mujtamaca sidii loogu Celin lahaa oo loogu maal galin lahaa- Haadaa Wasalaam! maxaa yeelay nin ay Soomaalidu ka aqbalayso Ma jiro Inuu yahay Wakiilu-Laahi Fil Ardi- ama Wakiilkii Eebe ee Dhulka oo Shacabku waa wada wukalaa.

Federaalkana ha ogaado in Mujtamcaan uu u baahan yahay Caqli iyo Xigmad Cilmiyaysan oo dareensan waxa ka dhacaya hareerahiisa oo aysan u baahnayn in laysku daba wareego?

Marka intaa la ogaado, ayaa waxaa si wadajir ah loo sixi doonaa wax walba oo qaldamay DULIGA UMMADA HAYSTANA WUXUU KU XIRAN YAHAY MARKII AAD IDINKU QAAS AHAAN WADAADADA AY OGAADAAN INAY SABABTEESU TAHAY IYAGA.

Hanqaastii Saadaat Maxamed Yusuf Geesh

Friday, January 2, 2009

Maxaa Loogu Isticmaalay Qabiilka Si Khaldan? Daraasad Naqi-Daati ah!

marka hore waa ku mahdsan yahay Ustaad Adan Colujoog inuu noqdo hormuudka ilaa hada la arko ee Tanwiirinta iyo wacyigalinta Ummadaan u haysata in Tiih ama Qaniinyo Dabiici ah ay kusoo habsatay! sidoo kale dhalinta isu xilqaantay bal inay wax ifiyaan oo ay shacabkooda mugdiga ku jira wax ka tusaan si waxaan ay garan la yihiin meel u saaraan oo ay maslaxada mujtamacooda ka shaqeeyaan. waxaan marnaba la hilmaami karin in Dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray ay isku dayeen inay bal waxa ummadaan gadaal u wada waxay tahay? laakiin nasib wanaag nin walba sida ay la ahayd ayuu ku dayay.

tusaale Sayid Maxamed wuxuu ku dayay Takuwanaadkii Ijtimaaciga ahaa ee Taagnaa ayuu isticmaalay saa muusan ogeyne, oo wuxuu is yiri bal lafteeda usoo mar, adigoo ku dhex daaynaya Saalixiyadii "Dariiqad Suufiyad ah " oo iyada laftigeeda ka mid ahayd Dhismayaasha Caado-Wateenka ah ee sababay in ay wasakhowdo Caqiiqadii Xaniifka ahayd ee Islaamka! taasna waa fashilisay, inkastoo magaca uu ku dagaalamayay ee uu dartiis u sameysmay uu ku dhisan yahay magaciisa, si kastaba soomaalidu ha ugu muhiimsanaatee qaniinyada kala daadisay. waxaana uu ugu danbeyntii kala tagay Dardaaran isagoo laga daba aqriyay "Gabaygii Digadhada ahaa ee Cali dhuux" ee Waa Lagu Digtaa Duul Haduu kuu Daraan Jiraye....!!!@ ee Bal Dayoow waakaa Sii Danbayshadaye!!!........

waxaa soo labeeyay, oo wax la xusi karo ah Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre (AUN) isaguna wuu isku dayay oo wuxuuba is yiri duug isagoo dhan!!?? ugu danebyntii wuu ku fashilmay oo isagoo wax walba ku hubaysan soona xoogaystay ayuu qabriga ka soo baxay?? sidii isagoo ula Yaaban oo leh "War Dadku Maxay Rabaan" dadkuna ay leeyihiin "War Madaxweynuhu Muxuu Rabaa" sida ilo ku dhow dhow ay soo wariyeen ayaa waqtigii uu ku dhamaaday??

todobaatan iyo Sagaalkii ayaa waxaa soo baxay Jabhado isaga human yacni qabiilkii wata oo kala goy'goynaya intii yareyd ee Soomaaliya ilaa laga soo gaaro kuwaan hada TFG-da oo iyagu, sida qaacidada Caafimaadka ah ee qabto "Cudur, Cudur kale ku daawee" ayay waxay dib ugu noqdeen sheekooyinkii 1900-1921 ee Sayid Maxamed, iyagoo balaayada Noqotay sida uu ugu yeeri jiray Kacaankii "Cadawga Gudaha" oo uu ka waday Qabiilka. sidaa darteed iyaguna waxayba dhasheen iyagoo Meyd ah?

marka walaalayaal maxaa xal ah, sideese dhibka daawo loogu badali kara?

Ra'yi ahaan aniga ka Saadaat Ahaan waxan qabaa in ay Fududahay, marka aan cilmi ahaan u darsino ee bal aanu woxogaa dibb u noqono? oon fiirino eegnana Mujtamaca Soomaaliyeed Waxa uu ka sameysan yahay

1- Qiyamkiisa 2-Dhaqanka 3-Caqiidada 4-Caadada iyo cida sameysay ee ay ka soo unkameen intaas aan soo sheegnay oo ah Dabeecada ama Juqraafiga ama bay'adda loo baadan yahay

waa Su'aal aad iyo aad muhiim u ah, oo mudo badan la isweydiinayay keentayna "Tiiha" Ummadanada Haysta. Si Kastaba waxaan isugu dayaynaa inaan uga jawaabno si Shafaaf ah oo Cilimiyaysan.

marka Hore Ummadanadu waa Ummad ka Reer Guuraa ah intooda badan qiyaas ahaan 60 % sidaa darteed ayaa ay Guurguuraan oo ay daba Taagnaadaan Daruur hadba meesha ay ka soo curato, marka maadaama halkaas ay ka imaanayso isku dhac laga dhaxlayo tartanka ka imanaya Maamulida Biyaha Iyo Baadka hadana aysan jirin Xoolo ama Maal lagu aruuriyo Xoolo "Raacatanimada" dhihi mayno Soomaalidu waa Xoolo Dhaqato, saa dalal badan oo afrikaan ama carab ah oo xoolo dhaqato ah ayaa jira oo ka faa'iida xoolahooda sidaa darteed ayaa aysan Soomaalildu uga faaiidin Xoolohooda!

Hadaanu usoo noqono Mowduucanagii, waxaa halkaas ka dhacaya Marka ay Guurguuridi la kulanto Tartan sababo ka imaanaya yaraanta Ilaha Biyaha iyo Daaqsinta Tartan iska hor'imaad dhaliya hadana ayan jirin Lacag Ururin ama Hanti ka sameyn Xoolaahaas la daajinayo ka imaanaya ayaa waxaa iyada meesha marnaba aan soo galayn in lahelo Degaano toos ah "yacni la sameysto Magaalooyin Rasmi" oo waliba ku dhisan qaab isu jaango'an oon lahayn ama loo soo minguurin saameynta is qab-qabsiga Baadka iyo Biyaha.

Halkaas waxaa si fudud uga dhalanaya wax la yiraahdo isku-dhex-yaac ka imaanaya dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada oo wuxuu MUjtamacaasu ku noolanaya Dimoqraadiyad aad Xadidnayn! oo Siyaasadii tusaale ahaan waxay ku dhex yaacsanaan Mujtamicii oo dhan oo shaqsi walba wuxuu noqonayaa Siyaasi, shaqsi walba wuxuu noqonayaa Taajir, (oo hantida yarta ee la helo waxaa loo sarifayaa si waali ah!!!) shaqsi walba wuxuu noqonayaa Ugaas, oo go'aan qaadashada shaqsi gaar u leh ma dhacayso??!!.

Sidaa darteed ayaa waxaa halkaas ka dhalanaya is qab-qabsi Qab-Qableyn iyo iyadoo sharci laga dhigo in Wasiilo walba ama Wadiiqo walba loo maro in intaan soo sheegnay qof walbaahi uu noqdo.

Waxaa Xusid Mudan in Siyaasadu ay tahay, hadaanu u sharaxno sida ay tahay ama Cilmiyaysan "Tartan loogu Jiro Ilaha dhaqaale ee Mujtamaca" sidaa darteed meelna kama soo gali karto "Aydiyoolajiyad" daboolan oo bilaabada dhamaatana, taas waxay ka hor imaanaysaa waxa macaan ee ay Reer Galbeedku Noo noo gudbiyeen ee la yiraahdo "STATE" ama "Dowlo".

Mujtamicii saas ahaa ee Qiyam, Caqiido, Dhaqan, Caado, iyo Dabeecadiisuba ay saas ugu xadidan tahay waxaa amrqaati madoonto noqonaysa in uusan lahaynba Aasaas u Saamaxa inay Dowlad Noqdaan!!??

Taas Macnaheedu Jaalleyaal Maahan inaysan Dowlad noqon Karin, ee waa noqon karaan ayagaana ugu fudud sidaa daraadeed sidey ku noqon karaan? hadii la rabo in noocaas oo kale dowlad ay ku midoobaan sidee loo baahan yahay? qaab noocee ah ayaa ay dowladoodu u shaqaynaysaa? adawaadkee ayay ku shaqaynaysaa? Thawaabideeda maxay noqon karaan?

Intaas markaad marayso ayaa waxaa loo baahanayaa inaad woxogaa ka ogaato taariikhda Soomaalida Xadiiska ah? si aad markaas u dheehato qaladka meesha uu ka yimid.

mida labaad waa sidey u saameysay afartaas tiir Dowladnimada Soomaalidea keebaana diidan?

hadaan ka jawaabo, su'aashaas Jowhariga ah kuli waa kasoo horjeedaan in la helo Dowlad!
Tusaale anigoon ku dheeraanayn

Caqiidada oo ah Tiir muhiim ah oo dadka kala celiya sameysana shaqanka iyo Caadada, Caqiiqadaas waxaa wasaqeeyay Qabiilkii, Sheeko yar aan soo qaato.

"Faqiih" oo macnahiisu yahay kii wax fahamsanaa ayay Qabaa'ilka Soomaaliyeed u Yaqaaneen ninka Diinta Islaamka ugu Badiya, kaasoo ay ahayd inuu xalka ugu danbeeya u keeno mushkiladaha Ummada hor yimaada, marka Faqiihii Soomaaliga wuxuu noqday "Tuug" uu "Qabqablaha" Ciddu ka xoog weynaaday, maalin baa Faqiih yiri ninkii nin dila Naartuu Galayaa, markaasaa Qabqablihii cida inta Faqiihii u Yimid oo uu indha-gududan tusay ku yiri kaligaa walee Jano Gali Meysid "Maahmaah baa ka sameysan tay " "Fiqi Tolkii kama Jano Tago". hadee iyagaa naarta u jiidayee ogow! Maalintii danbaa la arkay Faqiihii oo ay Seeftiisu Dhiig leedahay! War Faqiih Naartaad Gali" buu mid hoose oon hargaantigii Qabiilka ka mid ahayn hoosta ugu sheegay ! Faqiihii oo ay haysato waxa hada loo yaqaan "Peer Pressure" ayaa asaguna Maahmaah-Keenay "Doofaarkaba Ficil La'aan Baa la Cadaabaa".

Sidaa Darteed Tusaalahaas wuxuu cadaynayaa in Caqiidadii ay Dhimatay! inta dhiman Ilaahay haduu Yiraah gadaalbaan Juhidgayga Kasii Wadi?

Saadaat Maxamed Yusuf Geesh

Sunday, December 7, 2008

Maxaa Loogu Isticmaalay Qabiilka Si Khaldan?

marka hore waa ku mahdsan yahay dhalinta isu xilqaantay bal inay wax ifiyaan oo ay shacabkooda mugdiga ku jira wax ka tusaan si waxaan ay garan la yihiin meel u saaraan oo ay maslaxada mujtamacooda ka shaqeeyaan. waxaan marnaba la hilmaami karin in Dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray ay isku dayeen inay bal waxa ummadaan gadaal u wada waxay tahay? laakiin nasib wanaag nin walba sida ay la ahayd ayuu ku dayay.

tusaale Sayid Maxamed wuxuu ku dayay Takuwanaadkii Ijtimaaciga ahaa ee Taagnaa ayuu isticmaalay saa muusan ogeyne, taasna waa fashilisay, inkastoo magaca uu ku dagaalamayay ee uu dartiis u sameysmay uu ku dhisan yahay magaciisa, si kastaba soomaalidu ha ugu muhiimsanaatee qaniinyada kala daadisay.

Maxamed Siyaad Barre (AUN) isaguna wuu isku dayay oo wuxuuba is yiri duug isagoo dhan!!?? ugu danebyntii wuu ku fashilmay oo isagoo wax walba ku hubaysan ayuu qabriga ka soo baxay??

kuwaan hada TFG-da iyaguna waxay dib ugu noqdeen sheekooyinkii 1900-1921 ee Sayid Maxamed, sidaa darteed iyaguna waxay usii socdaan Fashilka dariiqiisii. marka walaalayaal maxaa xal ah, sideese dhibka daawo loogu badali kara?

Ra'yi ahaan aniga ka Saadaat Ahaan waxan qabaa in ay Fududahay ee bal aanu wxogaa dibb u noqono?



waa Su'aal aad iyo aad muhiim u ah, oo mudo badan la isweydiinayay keentayna "Tiiha" Ummadanada Haysta. Si Kastaba waxaan isugu dayaynaa inaan uga jawaabno si Shafaaf ah oo Cilimiyaysan.

marka Hore Ummadanadu waa Ummad ka Reer Guuraa ah intooda badan qiyaas ahaan 60 % sidaa darteed ayaa ay Guurguuraan oo ay daba Taagnaadaan Daruur hadba meesha ay ka soo curato, marka maadaama halkaas ay ka imaanayso isku dhac laga dhaxlayo tartanka ka imanaya Maamulida Biyaha Iyo Baadka hadana aysan jirin Xoolo ama Maal lagu aruuriyo Xoolo "Raacatanimada" dhihi mayno Soomaalidu waa Xoolo Dhaqato, saa dalal badan oo afrikaan ama carab ah oo xoolo dhaqato ah ayaa jira oo ka faa'iida xoolahooda sidaa darteed ayaa aysan Soomaalildu uga faaiidin Xoolohooda!

Hadaanu usoo noqono Mowduucanagii, waxaa halkaas ka dhacaya Marka ay Guurguuridi la kulanto Tartan sababo ka imaanaya yaraanta Ilaha Biyaha iyo Daaqsinta Tartan iska hor'imaad dhaliya hadana ayan jirin Lacag Ururin ama Hanti ka sameyn Xoolaahaas la daajinayo ka imaanaya ayaa waxaa iyada meesha marnaba aan soo galayn in lahelo Degaano toos ah "yacni la sameysto Magaalooyin Rasmi" oo waliba ku dhisan qaab isu jaango'an oon lahayn ama loo soo minguurin saameynta is qab-qabsiga Baadka iyo Biyaha.

Halkaas waxaa si fudud uga dhalanaya wax la yiraahdo isku-dhex-yaac ka imaanaya dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada oo wuxuu MUjtamacaasu ku noolanaya Dimoqraadiyad aad Xadidnayn! oo Siyaasadii tusaale ahaan waxay ku dhex yaacsanaan Mujtamicii oo dhan oo shaqsi walba wuxuu noqonayaa Siyaasi, shaqsi walba wuxuu noqonayaa Taajir, (oo hantida yarta ee la helo waxaa loo sarifayaa si waali ah!!!) shaqsi walba wuxuu noqonayaa Ugaas, oo go'aan qaadashada shaqsi gaar u leh ma dhacayso??!!.

Sidaa darteed ayaa waxaa halkaas ka dhalanaya is qab-qabsi Qab-Qableyn iyo iyadoo sharci laga dhigo in Wasiilo walba ama Wadiqo walba loo maro in intaan soo sheegnay qof walbaahi uu noqdo.

Waxaa Xusid Mudan in Siyaasadu ay tahay, hadaanu u sharaxno sida ay tahay ama Cilmiyaysan "Tartan loogu Jiro Ilaha dhaqaale ee Mujtamaca" sidaa darteed meelna kama soo gali karto "Aydiyoolajiyad" daboolan oo bilaabada dhamaatana, taas waxay ka hor imaanaysaa waxa macaan ee ay Reer Galbeedku Noo noo gudbiyeen ee la yiraahdo "STATE" ama "Dowlo".

Mujtamicii saas ahaa ee Qiyam, Caqiido, Dhaqan, Caado, iyo Dabeecadiisuba ay saas ugu xadidan tahay waxaa amrqaati madoonto noqonaysa in uusan lahaynba Aasaas u Saamaxa inay Dowlad Noqdaan!!??

Taas Macnaheedu Jaalleyaal Maahan inaysan Dowlad noqon Karin, ee waa noqon karaan ayagaana ugu fudud sidaa daraadeed waxaan mar kale idiin soo diri doonaa sharaxaad kale

Sadat Mohammed Yusuf Geesh
drgeesh@hotmail.com

Saturday, December 6, 2008

Xageen Taaganahay?

Su'aalaha Qaar, jawaabahoodu waa kuwo u baahan in si xirfadaysan looga Jawaabo. Ummadaha Marar bay Afkaartu isaga dhex yaacdaa, oo ay kala garan waayaan kan xun iyo kan fiican, sidaa darteed ayaa waxaa halkaas ka faaiideysta kuwaan is Cabiri karin Shaqsi Ahaan doonayana inay Sarqaansanaanta Ummada ay ku dhexjiraan ka faa'iideystaan. waxaan aragno oo Ummadii Soomaaliyeed daba istaagay waxaa weeye waa Dhaqankii Ummada IYO Caadadeedii oo inta la xumeeyay lagu gaarayo Ahdaaf aan salka ku hayn Maslaxada Ummada.

Nin Walba waa soo Guuray, oo wuxuu lasoo guuray Calan, Dad, Hanti uusan Maamuli karin, qayla dhaantiisa aan dhamaan ayaa waxay aaminsiisay Aduunyadii oo Dhan inay tahay waxa ummadani isku haysato Qabiil wax loogu yeeray.

Sidaa Darteed Anagoo ka Faa'iideysanayna Fursadaan aanu isku Cabiri karno ayaanu Ku Biirinaynaa Al-Ustaad Xirsi Geesh Afkaar Xor ah oo Cilmiyaysan.

Khadro Abdulaahi

Friday, December 5, 2008

Afkaarta dabada la haysto oo ay daba taagan yihiin Aydiyolajiyado kala duwan oon marnaba awoodin inay meel dhexe isugu yimaadaan si ay u dhisaan dal iyo dad ayaa loo baahan yahay!
baahidaas waxaa sii adkeeyay xaalada BeecWashiraada ah ee ay soomaaliya mareyso ee u ogolaanaysa kii raba inuu wax iibsado uu iibsado Dadkiisa kana fogeynaysa kii daacad ah.