Friday, September 4, 2009

Eedeynta Kacaankii 21 Oktoobar 1969-kii?????

Mu'aamaro aan la iska jirin, xad le'eg waxashnimada ay soo wadatay waxay ahayd gtii lagu jirid siibayay Aasaaskii Dowladii Soomaalaaliya. Si kastaba loogu kala ra'yi duwan yahayxiligii bilowgeedii, asbaabo camali ah iyo kuwo fikradeed awgood ayaa hadana waxaa gabi ahaan la siku wada raacsan yahay in tii dhacday 1991 ay ahayd middii ugu qatarsaneyd uguna weyneyd taariikhda Ummada Soomaalliyeed ee Cusub.

sida la isugu jiibayay Burburkii iyo Brakacii Dal iyo Dad waxaad soo xusuusanaysaa Shimbirta la yiraahdo "Doorada" ama "Digaagada". Doorada ama digaagadu waa xayawaanka ugu xanaaq iyo ficil xun, markay tahdiid dareento iyadoon fiirin meesha iyo jihada uu uga yimid ayay gees walba u birif birifleysaa ilaa ay ugu danbeyn ku dhacdo godkii uu ka galay kii hadiday markii hore!!?? halkaasna ay ugu dhamaataa? sidoo kale tani waxay la mid tahay sheekadii dooradoo kale.

Eedda iyo Haaraamidda waxaa ugu horeyn leh raggii inta dalka ka talinayay 21 sano uga cararay tuugtii Maalmaati qabeynka ahaa oo waqtigoodu u karaa kana dhadhan xumaa kii Kacaankii iyo Ragii curiyay? Raggaas Kacaanka Dowladiisii Ka tirsanaa Mudadaas 21 Sano ah, hadee anigu halkaan kama hadlayo Hogaankii sare oo kaliya ee waxaan ka hadlayaa dhamaan dhiusmihii Haramka nidaamkaas kii ugu sareeyay iyo kii ugu hooseeyay waxa u diiday inay ka hor tagaan Tuugtaas rabtay Qalbiga nidaamkii ay Hogaanka u hayeen inay Joogjiyaan iyagoo Nool???!!

waanu ogeyn in tuugtasu ay doonayeen inay Hantaan waxqabadkii Kacaankii "Iskaa Wax u Qabso" oo ay dhabtii ay dhidibada u siibeen wax alla wixii ay qabteen mudadaas iyo mudooyinkii ka horeeyay, horumar walba oo ay xaqiijiyeen intay talada dalka hayeen waxaan marka is weydiinayaa waxa ay Tuugtaasu Gacmaha ula soo aadeen? oo sida fudud ula heleen Joojinta Wadnihii Garaacmayay iyo Qalbigoodii Jamaaciga ahaa?

Dib adigoon iigu celin wixii la dhihi jiray "Clan Politics of Patronization" kii soo bilawday 1982 kadib markii dalka laga saaray USSR iyo nidaamkiisii Hantiwadaaga ahaa; nidaamkaas Idiolajiyad ahaan waxaa uu ahaa mid macquul ah oo mideeyay Geel-jirayaal aan Qaran wax- layiraahdo aan aqoon, diintooda, caadadooda, iy odhaqankooduna uu yahay "Bililiqo". Dabcan anigu halkaan uma joogi inaan is weydiiyo Su'aalo Reer Aakhiraadka laakiin waxaan ku goodinayaa in la heli karay Aaliyaad kale oo lagu badbaadiyo Dalka iyo Dadka.

Maxaa Wacay? ila dhagayso su'aashaas Maqaalka Soo Socda................

Ina Geesh

No comments: