Sunday, December 7, 2008

Maxaa Loogu Isticmaalay Qabiilka Si Khaldan?

marka hore waa ku mahdsan yahay dhalinta isu xilqaantay bal inay wax ifiyaan oo ay shacabkooda mugdiga ku jira wax ka tusaan si waxaan ay garan la yihiin meel u saaraan oo ay maslaxada mujtamacooda ka shaqeeyaan. waxaan marnaba la hilmaami karin in Dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray ay isku dayeen inay bal waxa ummadaan gadaal u wada waxay tahay? laakiin nasib wanaag nin walba sida ay la ahayd ayuu ku dayay.

tusaale Sayid Maxamed wuxuu ku dayay Takuwanaadkii Ijtimaaciga ahaa ee Taagnaa ayuu isticmaalay saa muusan ogeyne, taasna waa fashilisay, inkastoo magaca uu ku dagaalamayay ee uu dartiis u sameysmay uu ku dhisan yahay magaciisa, si kastaba soomaalidu ha ugu muhiimsanaatee qaniinyada kala daadisay.

Maxamed Siyaad Barre (AUN) isaguna wuu isku dayay oo wuxuuba is yiri duug isagoo dhan!!?? ugu danebyntii wuu ku fashilmay oo isagoo wax walba ku hubaysan ayuu qabriga ka soo baxay??

kuwaan hada TFG-da iyaguna waxay dib ugu noqdeen sheekooyinkii 1900-1921 ee Sayid Maxamed, sidaa darteed iyaguna waxay usii socdaan Fashilka dariiqiisii. marka walaalayaal maxaa xal ah, sideese dhibka daawo loogu badali kara?

Ra'yi ahaan aniga ka Saadaat Ahaan waxan qabaa in ay Fududahay ee bal aanu wxogaa dibb u noqono?



waa Su'aal aad iyo aad muhiim u ah, oo mudo badan la isweydiinayay keentayna "Tiiha" Ummadanada Haysta. Si Kastaba waxaan isugu dayaynaa inaan uga jawaabno si Shafaaf ah oo Cilimiyaysan.

marka Hore Ummadanadu waa Ummad ka Reer Guuraa ah intooda badan qiyaas ahaan 60 % sidaa darteed ayaa ay Guurguuraan oo ay daba Taagnaadaan Daruur hadba meesha ay ka soo curato, marka maadaama halkaas ay ka imaanayso isku dhac laga dhaxlayo tartanka ka imanaya Maamulida Biyaha Iyo Baadka hadana aysan jirin Xoolo ama Maal lagu aruuriyo Xoolo "Raacatanimada" dhihi mayno Soomaalidu waa Xoolo Dhaqato, saa dalal badan oo afrikaan ama carab ah oo xoolo dhaqato ah ayaa jira oo ka faa'iida xoolahooda sidaa darteed ayaa aysan Soomaalildu uga faaiidin Xoolohooda!

Hadaanu usoo noqono Mowduucanagii, waxaa halkaas ka dhacaya Marka ay Guurguuridi la kulanto Tartan sababo ka imaanaya yaraanta Ilaha Biyaha iyo Daaqsinta Tartan iska hor'imaad dhaliya hadana ayan jirin Lacag Ururin ama Hanti ka sameyn Xoolaahaas la daajinayo ka imaanaya ayaa waxaa iyada meesha marnaba aan soo galayn in lahelo Degaano toos ah "yacni la sameysto Magaalooyin Rasmi" oo waliba ku dhisan qaab isu jaango'an oon lahayn ama loo soo minguurin saameynta is qab-qabsiga Baadka iyo Biyaha.

Halkaas waxaa si fudud uga dhalanaya wax la yiraahdo isku-dhex-yaac ka imaanaya dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada oo wuxuu MUjtamacaasu ku noolanaya Dimoqraadiyad aad Xadidnayn! oo Siyaasadii tusaale ahaan waxay ku dhex yaacsanaan Mujtamicii oo dhan oo shaqsi walba wuxuu noqonayaa Siyaasi, shaqsi walba wuxuu noqonayaa Taajir, (oo hantida yarta ee la helo waxaa loo sarifayaa si waali ah!!!) shaqsi walba wuxuu noqonayaa Ugaas, oo go'aan qaadashada shaqsi gaar u leh ma dhacayso??!!.

Sidaa darteed ayaa waxaa halkaas ka dhalanaya is qab-qabsi Qab-Qableyn iyo iyadoo sharci laga dhigo in Wasiilo walba ama Wadiqo walba loo maro in intaan soo sheegnay qof walbaahi uu noqdo.

Waxaa Xusid Mudan in Siyaasadu ay tahay, hadaanu u sharaxno sida ay tahay ama Cilmiyaysan "Tartan loogu Jiro Ilaha dhaqaale ee Mujtamaca" sidaa darteed meelna kama soo gali karto "Aydiyoolajiyad" daboolan oo bilaabada dhamaatana, taas waxay ka hor imaanaysaa waxa macaan ee ay Reer Galbeedku Noo noo gudbiyeen ee la yiraahdo "STATE" ama "Dowlo".

Mujtamicii saas ahaa ee Qiyam, Caqiido, Dhaqan, Caado, iyo Dabeecadiisuba ay saas ugu xadidan tahay waxaa amrqaati madoonto noqonaysa in uusan lahaynba Aasaas u Saamaxa inay Dowlad Noqdaan!!??

Taas Macnaheedu Jaalleyaal Maahan inaysan Dowlad noqon Karin, ee waa noqon karaan ayagaana ugu fudud sidaa daraadeed waxaan mar kale idiin soo diri doonaa sharaxaad kale

Sadat Mohammed Yusuf Geesh
drgeesh@hotmail.com

No comments: