Saturday, December 6, 2008

Xageen Taaganahay?

Su'aalaha Qaar, jawaabahoodu waa kuwo u baahan in si xirfadaysan looga Jawaabo. Ummadaha Marar bay Afkaartu isaga dhex yaacdaa, oo ay kala garan waayaan kan xun iyo kan fiican, sidaa darteed ayaa waxaa halkaas ka faaiideysta kuwaan is Cabiri karin Shaqsi Ahaan doonayana inay Sarqaansanaanta Ummada ay ku dhexjiraan ka faa'iideystaan. waxaan aragno oo Ummadii Soomaaliyeed daba istaagay waxaa weeye waa Dhaqankii Ummada IYO Caadadeedii oo inta la xumeeyay lagu gaarayo Ahdaaf aan salka ku hayn Maslaxada Ummada.

Nin Walba waa soo Guuray, oo wuxuu lasoo guuray Calan, Dad, Hanti uusan Maamuli karin, qayla dhaantiisa aan dhamaan ayaa waxay aaminsiisay Aduunyadii oo Dhan inay tahay waxa ummadani isku haysato Qabiil wax loogu yeeray.

Sidaa Darteed Anagoo ka Faa'iideysanayna Fursadaan aanu isku Cabiri karno ayaanu Ku Biirinaynaa Al-Ustaad Xirsi Geesh Afkaar Xor ah oo Cilmiyaysan.

Khadro Abdulaahi

No comments: