Tuesday, February 17, 2009

Usuuliga iyo Qabiiligu waa isma dhaantiyo dhasheed!

Usuuliga iyo Qabiiligu waa isma dhaantiyo dhasheed!







waxaa la rabaa inaan la isku dhex yaacin waxa ay kala yihiin labada nin oo aanu midka hore oo ah Qabqablaha Qabiilka ku awr-kacsada iyo kan hadda soo baxay ee Usuuliga mayalka adag. hadaan bal woxogaa hoos ugu daadago kan danbe waa Usuuligaas mayalka adagi marnaba lagama yaabo inay waaqiciyan noolaadan ama u jiraan dagaal la'aan! maxaa yeelay balaayo la'aan hadaysan noolaan waxaa dhacaya in ay iyagii is arkaan foolxumadooda? Si ay u ilaaliyaan midnimadooda iyo wada jirkooda waxaa ay kuhaanada u fakiraahi ama siyaasiyiintoodu ay meel mar hore dhigteen inay dagaal la galaan cid walba oo isku dayda inay jadiidiso afkaartooda, ama naqdisa ama isku daya inuu mideeyo Aydiyoolajiyadaha kala duwan ee ay la kala bood-boodayaan.

Tusaale: Salafiyiinta, Siraadul-Mustaqiimta, Takfiiriga, intaas kor aan kusoo sheegnay marnaba ma arki karaan Kooxaha kale sida Islaaxiyiinta, Ikhwaanka iyo Suufiga aan Bunaysan, kan bunaysta waa laga wada siman yahay??....Marka si aysan u lumin faa'iidooyinka iyo maslaxadooda aysan miisaankakalmadooda u lumin ayay caqligaas diiday ku bilaabaan dagaal xun oo gaara ilaa Tasfiya Jasadiyah ama Takfiirin, maxaa yeelay dagaal iyo yabaq aan dhamaan oon hadana caqliga caadi uusan fahmi karin.


Arintaas Qabiiliga Siyaasiga ah ama Milatariga ah iyo Usuuliga Mayalka adag waa ka wada Siman yihiin?? Tusaale Gen: Caydiid, isla dariiqadaas ayuu isticmaali jiray si uu u ilaaliyo Mooryaanta Midnimadeeda!!??.In dagaal lagu qaado Cadawga ayaa sido kale ah Mid ay ka wada Siman Yihiin Usuuliga iyo Qabiiliga saa xal kale ma hayaane si ay isaga ilaaliyaan Burbur, inkastoo ay labadaba soo bandhigaan shicaaro Nabadgelyo Hunuhunaa wada ah ayaa Cinfiga (Violence) wuxuu si Jowhari ah ugu jiraa dhismahooda Nidaameed. Sidaa darteed ayaa dhinaca mowduuciga ah ee ka madax banaan labadaba uu ku qasbaa inay qaataan qaraar nabadgelyo, oo laakiin u muuqda mid laysku qoslayo? oo Taktiiki ah oo marnaba meesha ka saareyn inuu Dagaal Dhici doono, sababo ugu muuqda Qabiiliga iyo Usuuliga Mayalka adag intaba in dagaalku uu yahay xal?? oo waxay is leeyihiin dadku waa dadkii, dalkuna waa dalkii??!!.


Usuuligu sidiisaba waxaan is iri markuu hadlayo waxaad is leedahay waxbaa si ka ah??!! saa maba yaqaano waxa la yiraahdo Siyaasad waxay tahay, wuxu u haystaa inay tahay sidii Qabqablayaashii oo kale in hantida ummada la bililiqaysto? saa waxay ka faa'iideysanayaan dadka soomalida ah ee tirada badan ee Xorta ah ee Diidan Faragalinta Shieeye Nooc kasta ha ahaatee, macno kastaba ha yeelatee??!!


Siyaasadu waxa weeye iyado kooban "TARTAN LOOGU JIRO ILAHA DHAQAALE EE MUJTAMCA' tusaale markaad leedahay iskoolaan dhisi, isbitaalaan dhisi, wadooyin baan jeexi, hadee hantida aad waxaas ku samaynayso waa hantiidi mujtamaca ee adiga ma lihid?? marka in Usuuligu uu mabda' kasta oo siyaasada quseeya uu halkaas ka galo weeye ma aha inuu inta meel rag ku laayo, uu hadana na yiraahdo "Ilaahay baa idinka saaray" yacnee macnaheedu waxaa weeye anigaa wakiil u ah ilaahay??????????????!!!!!!!!!!!!! taas waa waxaan la aqbali karin ha isdhihinina Saxaafadu adinkay idinla jirtaa??!! saxaafadu cidna lama jirto, walaa idinka walaa Qabiiliga Siyaasiga ah saa labadiinaba meel badan ayaa isaga mid yihiin

Tusale kale:-

Qabiiligu waxaa uu mudo 18 sano ah ummad nool oo xayi ah uu ku haystay Wax aan aduunka ka jirin luqad aan caalamka laga fahmin iyo Biliqliqo, maxaa yeelay Dowlada waxa uu u arkaa Qabiiligu "Bililiqo"Usuuliga Mayalka adagi qabiiliga waa ka xoog badan yahay saa wuxuu uaqrinayaa waa Diintii muqadaska ahayd iy Siiradaii Nabiga CSW inkastoo qabiiligu u raaco usuuliga siyaabo ku salaysan kula dirir qabiilka dowlada haysta si bililiqadii ilaahay u hesho??!! ayaa hadana Usuuligu uu shaqsi ahaan yahay mid ka mid ah Qabiilkii, hadana aaminsan inu yahay Fardi ka xoreebay Casri Jaahiligii Qabiiliga??!! labadaba Maadiga (Past) ayay siyaasadeeyaan, dibna ugu soo rogaan Mujtamaca oo waxay diidaan wax walba oo xiriir la leh Xaadir (Present) iyo Mustaqbalka (Future)midda uu Usuuligaasu ku Dhaamo Qabiiliga waxa weeye shaki kuma dhex jiro Usuuliyiinta kala duwan?? ee kala qabiilka ah, laakiin Qabiiligu sadexda bah ee Hooyadii lala qabo ilamahoodii (Walaalihii) waa inuu iska jiraa????? ka shakiyaa????!!! ka feejignaadaa?

Waa Socotaa..................

Sadat Mohammed Geesh

No comments: