Tuesday, March 24, 2009


Islaamiyiinta Kuwoodee Qaldan?


Mararka qaar ayaa waxaa isaga dhex qasma dadka aratida wanaagsan iyo tan xun. Markaas ayaa waxay taasi adkeysaa in la xadido halka la marayo? Oo laga qiyaas qaato dhacdooyinka iyo niyada ka danbeysa, laakiin sida hadda muuqata oo soo bidhaantay waxaa cad inay jirto dheelitir xumo isu soo bandhigtay si iskeed ah, qaas ahaan afkaarta saaxada taala ee sababta u ah is-xirida albaabo badan.

kuli waxay ku socdaan sidii loogu tala galay ee lamalayay, si kataba ha ahaatee waxyar bay dib uga dhaceen in ay soo suuq-geystaan bucshiradooda raagtay! "iska horimaad". taas waxaa sabab u ah sida cad waa Tasaamuxa Shareecada Islaamiga ahi ay leedahay, saa dhaqan maahane!. hadii taas lawada fahansan yahay, tan soo socota qaas ahaan dharabaaxooyinka soo fool leh waxaa cad oo laga yaabaa inay awoodaan inay ka dhigaan oo u weeciyaan "dharbaaxooyin aan dhabarka jabinayn-laakiin siiba xoojinaya".

dalka mustaqbalkiisu wuu adag yahay, saa nooca iyo wanaagiisa wuxuu ku xiran yahay nooca cilmiga, qibrada iyo aragtida ragaan lookala qaybiyay labada kooxood ee loo kala bixiyay "Qun-yar-Socod iyo Xowli-Socod (Usuuli-Mayal-adag)" jihadaas ayay soomaaliya dadkeedu u wadaan!. bal woxogaa yar fikir, isweydii xageen taaganahay? talaabada xigtase maxay tahay?.

Dabiici waxaa ah marka ay kulmaan shacab dandareysan, Siyaasi fursdad Raadis ah (Intihaazi), Qabiili Bililiqo Doon ah (Qabqable), iyo Cimaamadley Qunyar iyo Xowli Socod ah!. hadana aysan kuligood lahayn Barnaamij Wadani ah oo lawada Aqbalo dhan walba Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan, Bulsho ahaan, ayaa markaas oo kale waxaa la fili karaa in shacabka dandareysani ay la fiicnaadaan mashaaricda kale ee yar-yarka ah oo markaas ka dhiga dalkoo dhan meel ciriiri ah, iyadoo ay jirtay Isbadal Raadin Guul-daro iyo Guulba ku dhamatay oo ay shacabkaasu Qiimo Qaali ah ku Bixiyeen, kooxahaasna waxay ugu baratamaan sidii ay yeerisyo iyo halkudhagyo been ah ula soo bixi lahaayeen iyagoo inkira caqaaqib xumada ay keeni karto beri iyo beri danbe!

Kooxahaas waxay mid walba raadinaysaa Taageerayaal indho iyo dhago aan midna lahayn oo u nacamleeya oo kaliya, si ay sahrciyad uga helaan! maqaalkaan waxaan kusoo koobayaa kuna jaangoynayaa saaxada soomaaliya ee ay hadda isku haystaan Islaamiyiinta Qaladaadka ka buuxa ee beri keeni kara hadaan laga digtoonaan bur-bur hor leh!.
horta ma jiro Qof Xaqiiqada mulkiyay, hantay, laakiin waxaa jira xaqiiqooyin kala firirsan oo dad badan ay kala ogyihiin, sidaa darteed inta aan anigu ogahay waxaa ka mid ah:-

Kow Aragtidii lenin ee lawareegida Mucaaradku ay la wareegaan Nidaam waxay ku dhisnayd "in Nidaamka laga haabto dhexda!? yacni lala wareego intuusan dhulka ku dhicin oo uusan baqtiyin, maxaa yeelay haduu dhaco oo uu baqtiyo waxaa la baqtinaya Mujtamicii!. laakiin hadii laga haabto inta u dhaxeysa Dhererkiisii uu taagnaa iyo Dhulka waxaa macquul noqonaysa in waxyaabo badan la badbaadiyo. tani sheeko iyo sharaxaad uma baahna oo waanu wada ognahay tii 1991-kii, kooxaha socodka kala duwan lehi mid baa halkaas ku saxsan!

Labo: Shareecada iyo Sharciga Islaamiga ah waxaa soo bandhigi kara cidii wadata mashruuc Islaami ah oo dhameys tiran, xiligaan lagu jirana waa waqti hore in laga hadlo mashruuc Islaami ah oo Kaamil a, inta ka horeysa waxaa jira Mashruuc kastana uu leeyahay Inta aan la gaarin hadafka kama danbeysta ah, Ahdaaf kale oo Furuuc ah, sidaa darteed waa in la fushadaa ahdaaf Marxaliga ah ee Yar yar inta aan la gaarina waxay taagan tahay sidee laysu badbaadin lahaa Dowladna loo heli lahaa, Muwaafaqa looga hortago Taxadiyada Taagana loo raadin lahaa, halkaan isla kooxdii hore ayaa wadata!

Sadex Islaamku ma qirin marnaba Nooca iyo Qaabka Xukunka, laakiin Khilaafadii waxay ahayd Tajribad taariikhi ah oo soo martay Ummada Islaamka halkaana ku dhamaatay. sidaa darteed maba jirto qof awooda inuu kusoo farad yeelo Ummada Xukun Gaar ah. si kastaba Islaamu wuxuu leeyahay Qiyamkii Xukunka sida Shuurada ama Koongareeska ama Baarlamaanka oo kale. marka Siyaasigu ha haado Islaami ama Calmaani ama Qowmi waxaa uu ugu horeyn leeyahay Buug ay ugu taalo Muhimadaha iyo kuwooda ugu muhiimsan iyo Taxadiga hor yaala noocuu yahay? bes markaas ayaa la ogaanayaa in Khilaada ay noqonayso Qodobka Shan-Boqolaad oo kale oo ay ka horeeyaan kuwa kale oo ka muhiimsan sida: Dibu Dhis, Qaxootiga Soo celin, is habayn IWM tan koox walba ha ogaato!.

Afar haday jirto aragti islaami ah oo loo rabo inay Xal u noqoto Mushkilada Haysata Ummada Soomaaliyeed waa lawada ogyahay in Siyaasadu aysan ahayn Sixir, ama Wax mugdi uu ku jir, si kastaba hada kaba soo qaad aragti ayaa jirta....waa inay taas ku dhisnaataa Ra'yi caamka Mujtamaca , Xoriyada Guud, Rayi' iyo Rayi'ga kale, Doorashooyin Naziih ah, markaas haday dadki doortaan waa ay istaahilaan inay Xukumaan? markaas haday guuleystaan marjiciyadu waxay noqonaysaa Shariciga mise waxay noqonaysaa Shaarica? taas wax qilaaf ah kama taagna dhamaan amdhabooyinka oo dhan sida la yiraahdo Diintu waa "Mucaamilooyin iyo Cibaadaad" Asalka cibaadooyinkuna waa Raacitaan, halkaan dood kama furna inaad tusaale: Tukanayso Shan Rakcadood ama aad Soomayso Bisha Janaayo, maxaa yeelay asalka ay tahay markay timaado Cibaadooyinka waa inaad Raacdaa oo u gudataa sida ay tahay. hadaan nimaadno dhankii Macaamaltanka; tani waa Ibdaac "Creative" waa juhdi la sameeyo oo shaqsi kasta uu sameyn karo, taasna iyadana qilaaf kama taagna, saa qaab gooni ah ma leh maadaama ay mucaamalaad yihiin. haday taas timaado in laysku farad yeelo Nidaam goonni ah oo Dhaqan hadee diintu dhaqan maaha oo waxay ku kala duwan yihiin Dhaqanku waxba ma cafiyo laakiin Diintu waxbay Cafisaa!.

Shan: Shareecada Diinta Islaamku waa Quwad Mideysa Ummada oo dhan oo uusan qilaaf ka tagneyn Mabaa'diideeda. si kastaba ha u kala madhab duwanaadeene Tafsiiraadka Mucaamaltanada. haday marka noqoto mid ku kala duwan gudaha dadkii Caamda ahaa ee ay so dhaafto Fuqahadii iyo Culimadii Cilmiga u lahaa waxay taasi noqonaysaa Waaqica kala irdhaysa Ummadii midnimadeedii waxay u hogaamisaa isdil iyo is gaaleyn, iska taqalusid Cinfi (Violent) uu ku jiro, hadii nooc ka mid ah uu la wareego meel ama uu maamulka qabto, noocaan oo mucaamaltan gooni ah oo adag wata waxaa bilaabanaya iska hor imaad uusan sababin Siraac Ilihii Dhaqaalaha ah ee uu sababay Siraac Madhabeed ama Tafsiir Gooni ah! Is-Cunid ka timid Qiyamkii Diiniga ahaa ee Mujtamaca ayaa wuxuu noqonayaa meel qilaaf uu ka taagan yahay. halkaas waxaa ka dhalanaya kooxo kale oo Hubaysan oo wata magicii Islaamiga ahaa ee lawada qaatay laakiin wata Asbaab dhab ah oo ku salaysan inay Isaga Caabinayaan Kooxdaan ku farad yeelaysa Mucaamaltan Qaas ah oo iska xoreynaysa sida hadda Ciraaq ka taagan. una soo socota Afgaanstaan iyo Anagaba!

Lix: Dowlad waxaa la yiraahdaa wax loogu qidmeeyo Kujtamaca Xaajaadkiisa iyo Maslaxadiisa, Caqiidadii Mujtamacuna waa mida lagu dhisayo qaabka ay dowladaasi ugu Qidmeyn lahayd mujtamaca. si kale, Dowlad waa wax caqliga qaawani uu sharixi karo- oo waa mid bulsho oo ku jaango'an Baahida Bulshada ee Agabeed iyo Macnawiga ah kaliye..........?

Todoba: Culumada Diinta Sida wanaagsan u bartay lagama yaabo inay uga faa'iideystaan Diintii Qidmad "Anaani ah" oo shaqsi ama Kooxeed maxaa yeelay haduu saas ku kaco waxaa uu ku iibinayaa Qowlkii Ilaahay Maslaxad Aduunyo! sidaa darteed haday jirto mas'alad diini ah oo dhex taala iska-hor-imaadyada Kooxahaan waxaa cad inaysanba jirinba oo qilaafaadka la doonayo in loogu tala galay in Ikhtizaal loogu sameeyo Mushkilada si loo waayo xal istiraatiiji ah oo lagu xalin lahaa mushkilada... halkaan waxaa loo badalay Siyaasad iyadoo awr ku kaacsasho ay bilaabatay.

Sideed: Hadii ay jiraan dad u heelan inay Siyaasada ka qayb galaan waa inay u halgamaan sidii ay u heli lahaayeen qiyam caqlaani ah oo hadafkeedu uu yahay sidii looga shaqeyn lahaa maslaxda Mujtamaca!. waa inay soo bandhigaan Aragti Siyaasi ah oo Barnaamijeysan, haba lahaato Madbuun (Contents) Diini ah, laakiin inuusan carabka ku adkeyn in Barnaamijkiisu uu yahay Xaq Mudliq ah laakiin uu yahay kan ugu Saxsanee xalin kara mushkiladaha hor yaala mujtamaca, sida Axsaabta ka jirta wadama Islaamka ah oo dhan! taas oo uu Siyaasigaas Islaamiga ah uu ugula jeedo inay tahay sida ay qabaan isaga iyo Jameecadiisa.

Sagaal: hadii ay jiri lahayd NIdaam Siyaasadeed Dowladeed oo Adag, ayna jiraan Qiyam laysku Raacay oo lagu maareyo Is-qabqabsiga dhaca Siyaasiyiinta dhexdooda, markaa Siyaasiga doonaya inuu ilaaliyo Maslaxadiisa iyo Tan kooxdiisa ama Xisbigiisa waa inuu raacaa Aaliyaadka (Machenism) lausku raacay oo uu mujtamacu aqbalayo. laakiin ka warahn hadii si Iska dheh oo Cashwaa'i ah loogu dhex shaqeysto Ummadii oo Xeerarkeedii aan la ilaalin, waxaa dhacay in Siyaasigaas nocuu doono ha noqdee ama Aydiyoolajiyaduu doono ha watee waxaa uu isaga ciyaarayaa Suuqiisii iyo kii Kooxdiisa, saa Shacbku ayagaa xadida siyaasada ay tahay inuu raaco siyaasigooda waxayna ku xadidaan Waaqicooda maya Wacyigooda?.

Toban: Siyaasada hada ay wataan Kooxda Qun-yar Socodka ah ee tariikhiyan ahaa "Ikhwaanul Muslimiin" tusaale: Cumar Cabdirashiid Aabihiis wuxuu ahaa Akhwaan muslimiin Xoog Badan iyo Sheekh Shariif oo isagu ka mid ahaa ragii soo aqriyay waxa uu la fashilmay nidaamkii Xisbigii Inqaad ee Suudaan uuna Hogaamin jiray Filasoofarka Dr. Xassan Al-Turaabi ayaa waxay u muuqataa in laga aqbalayo gudaha soomaaliya, inkastoo la ogyahay inay ku timid Dagaal Qiimo badan lagu baxshay iyo Xariiftan Siyaasadeed adag, oo lala galay Maafiyadii 20-kii sano horboodayay Ummada ayaa Caqabada ay ku dhutinkarto Dowladaani ay tahay in ay ka horyimaadaan Isbadalkii ay ku yimaadeen oo ay u wareejiyaan kursiga dhankii Qabqablaha dhanaan ahayn!!. saa natiijadii keentay waxay ahayd kala wareeg dhab ah oo ka yimid mujtamicii oo arkay kuna qancay howshii Siloonayd ee Jaalle Qabqable ee ku biyo shubanaysay "Biliqliqada". si kastaba Qabqablihii shaqsiga kaliya ee uu ka guuleystay waxay ahayd Aqoonyahan ku sheeg Karaani u noqday!? iyo Hogaan dhaqameed Maleeshiyooyinka u soo guri jiray! labadiiba shaatiyadoodii waxay leeyihiin Calaamadihii Dowladaan? oo waa ku biireen iyagoo Bililiqadii sidii qabqablaha dib u bilaabay. sidaa darteed taas waxay ka hor jeedaa haday jirto inay lidi ku tahay Kala wareeegii dadkii kusoo gubtay oo badalay Waaqicoodii hore ee Awrta lagu kacsanayay iyo Dabcigoodii wax kasta ogolaa. hadaan laga hortgin inta kore oo dhan waxay noqonaysaa in soomaliya markale ay gasho cashar cusub oo la yiraahdo "Fowdada Is-abuurista" ama "Fowda Al-Khlaaqah" taasna mar kalaan ka hadli doonaa haduu ilaahay yiraah...............................


Sadat Mohammed Geesh

No comments: