Monday, July 26, 2010

Afkaarta Marxaladan Loo Baahan Yahay?

Xornimadii markay dhalatay 1960 ayaa waxaa halgankeedii keenay ururkii ee SYL, Afkaar ahaan waxay isugu jireen Islaamiyiin (aqwaanul Muslimiin), Hantiwadaag, Hantigoosad, Qabiili, iyo Jiha Laawe? doorashadii xigtay waxaa soo baxday in ay meesha ugu gacan sareeyaan Qabiiligii; maadaama nidaamkii Baarlamaaniga ahaa (Dimoqraadiyad Barlamaan) uu ahaa midkii ay doorteen, ayaa sababaha guusha u keentay Qabiiligu waxa u ahaa inuu helay Gaashaanbuureysi Waligiis JIray halka ragii kale ay ahayd inay bilaabaan dhisme Bulsho oo U saamaxa inay sameystaan Xisbiyo Cid walba ka kooban; taasoo waqtigeedii uu dhinaa marka loo eego dhismihii hoose (Infrastructure) ee Bulsho, Siyaaso, Dhaqaale ee Shacabkii Soomaliyeed,

Laakiin Qabiilgu laftigiisu ma usan ku taagneyn Dhidibo ad-adag maxaa yeelay waxa uu laftigiisu sharciyad cusub ka dhex raadinayay mujtimicii cusbaa ee Magaalooyinka Maadaama aysan magaaladau lahayn HOgaan Dhaqan oo soo jireen ah; sidaas darteed ayaa fursadaas Superficial- ahayd ama Sadxiga ahayd uu Qabiiligii bilaabay inuuu ka faa'iideysto oo uu magaalooyinkii isugu magacaabo Ugaas laakiin wata magac dowladeed.

Inkiraadii Qaab Dhismeedkii Dhaqan-Dhaqaale ee uu Mujtamaca soomaaliyeed ku dhisnaa ee uu inkiray Xisbigii SYL waxaa ay faa'iido Dhow u keentay Qabiiligii. qaabka dhismaha dowladaasu waxa uu ahaa mid loo ekeysiiyay Kii Miyiga.
Tusaale: Ugaaska ama HOgaamiyeha dhaqanka ee qabiilka ayaa ah qofka ugu sareeya Beesha, Saldada (Authority ) uu leeyahay Ugaasku waxaa ka mid ah inuu Difaaco Baadka iyo Biyaha Beesha, marka maadaama difaacaasu uu yahay mid isdaba joog ah halkas waxaa ugu dhismay Ugaaskii Dowlad ama Duwleylad yar oo isaga ka amarqaadata sida Maleeshiyaad, Qaab-Dhismeed Maamul iyo Maareyn u dhisan sida ahraamta oo uu Ugaasku Ugu Sareeyo, iyo Hogaamiyeyaal Dagaal iyo Nabad isugu jira kuwaasoo markii uu u baahdo Ugaasku uu Isticmaalo.
Laakiin Qabiiligii Baarlamaankii ayuu inta Fadhiistay ayuu isla mar ahaantaasna waxa uu helay si cafwi ah, si basiid ah dhamaan intii uu Ugaasku ku lahaa Miyiga. sida Maleeshiyo iyo Hogaan Dagaal iyo Mid Nabadeed (Ciidamadii Boliiska, Maxkamadaha), oo iyaguna sidoo kale diyaar u ah inay matka ay doonaan isticmaalaan! Taas ayaa Xildhibaanadii ka dhigtay inay dhistaan Nidaam Aasaas adag leh oo iyaga ka amar qaata?Si Kastaba Doorkii SYL ee ahaa (De Fecto Ruler) ama Xisbi Qaran oo ay ku wada jiraan Dhamaan Qabaa'ilka oo dhan, ayaa noqday mid u sahla Qabiiligii Ugaasnimada ay Dowladnimadu u keentay inuu Is dhiso Maadaama?
1- uusan damacsaneyn inuu Dowlada Sar Sare soo Galo
2- Maadaama uu Si toos ah uga soo horjeedo Ugaaskiisii

labada qodoba waxa ay Maslaxoodu u biyo dhaceysay SYL. dhanka kale Ugaaskii waxa uu bilaabay Dagaal ka dhan ah Ugaaskaan Cusub ee Magaca Dowladnimada ku noqday Ugaaska! iyo sida fudud ee Hantidii Dowlada ay u bililiqaysanayaan, oo ay u helayaan lacag fudud oo uusan Ugaasku Abdikiis Helin!? Dagaalkaas ayaa waxaa uu fashiliayay isku daygii ugu horeeyay ee lagu dhisi rabay Dowlada Casri ah oo Soomaaliyeed.

Dowladii ayaa waxay noqotay mid Taxadi (Challenge) ku sameysa Duweyladii Ugaaska iyo Hogaan Dhaqameedyadii, waxaa meesha ka baxay Afkaartii Casriga ahayd ee ay Qabeen Rag Dhwor ah oo u badnaa Dhalinyaradii (SYL) waxaa is cunay Kalsoonidii Shacabka; markii ay Doorasho Dhici rabto ayaa Qabqablihii Ugaaska iyo Maleeshiyadoodii waxay isku dhacaan Ciidamadii Nidaamiga ahaa iyo Taliyahoodii, isku day inta uu Ugaasku ku doonayay inuu ku fashiliyo Ugaaska Magaalo? ee Ugubka ah!?.

Dagaalo ay isaga Hor Imaanayaan Dowladii dhexe oo ay HOr Boodayaan Ugaasyadii Magaalooyinka (MP's) iyo Duweyladii Ugaaska, iyo Bililiqo uu Ugaaska Cusubi ugu tala galayo inuu ku gato Nafaf ama Dadka Ugaaska ayaa Cirkaas isku shareertay, Markay Doorasho Bilaabato, Ugaaska Magaalo ayaa ku Guuleysta maalintaas ay Guushu Soo Raacdo inta ka danbeysa Ugaaskaasu Magaalada Muqdisho ayuu u fadhiyaa Cid Walba, ilaahoow Muu ugaaskaasu Kun Jeer Warqad u Qoro Dowlada Xubnaheeda Sare isagoo ku andacoonaya inuu kala noqday (Blessings) ama Ducadii Wiilkaas (Ugaas Magaalo).

Ilaa uu Ugaas walba bilaabo Siyaasada (Mucaamalah Bil Mithli) ama Same Treatment oo uu u fadhiisto Miyiga ama Degmadii uu iska soo sharixi lahaa Xildhibaankaasu (Ugaas Magaalo), natiijado ka timid waxay noqotay Laaluuush Baahsan, Musuqmaasuq Baaxad Weyn iyo Xero ku kala oodasho hadba inta macquulka ah? dadkii iyo Dowladoodii ayaa kala Go'ay? Xornimadii markii la qaadanayay ayaa ay Ragii U soo Halgamay u sheegeen shacabkii waxa la yiraahdo Xornimo ? Sida iyagoo Yiraahda Waxaa la Yiraaahdaa Iyadoo Geedka Raydamka la Yiraahdo uu Miro dhalo???? hadaba markii Raydamkii uu miro inta dhali waayay uu dhalay Rasaas iyo Is dil, is Dhac, Is Kufsi, iyo Xad Gudubyo badan, dadkii Dowlada Xubniihii Sarena ay Fahmi waayeen SARTU MEESHA AY KA QURUNTAY? AYAA SARAAKIISHIII XORTA AHAYD EE U HOGAAMINAYAY JAALLE SAREEYE GUUTO MAXAMED SIYAAD BARE AY XUKUNKII LA WAREEGEEN.

Bog Cusub ayaa Furmay...............................la soco qaybta labaad

W/Q Falastiin Shire

No comments: